Dhiganahan lagumagacaabo "THE COMPOUND EFFECT " waa mid kamid ah buugagta loogu iibsi badanyahay dunida waxaana qoray nin udhashay dalka mareykanka oo layirahdo DARREN HARDY. DARREN HARDY waa qoraa,hadal jeediye iyo waliba tababare nololeed waana madaxa jariirada caanka ah ee SUCCESS MAGAZINE,waxaa uu intabadan wareeysiyo layeeshaa dadyowga lagutiriyo iney guul kagaareen jawaanibta kaladuwan ee nolosha,buugan waxaa ladaabacay bishii june sanadii 2010 ,Wuxu gaaraya ilaa 170 bog Wuxuna kakobanyahay 6 Cutub. Si guud wuxu tilmaamaya buuga saameynta balaaran ee ay leedahay waxyar oo aad joogteyso mudo dheer, intabadan waxyaabaha aynu si maalin la ah usameyno iyo caadoyinka aynu leenahay ayaa qaabeya nolosheena sida uu qoraagu xusayo isbiirsiga falalka yar yar ee aynu joogetyno ayaa ah waxa horseedo inuu qofku guuleysto ama guuldsreyso , ficiladaa maalinlaha intabadan bilawga hore lamadaremo waxeyna umuuqdaan kuwa aanan wax macna ah kufadhinin saameyn muuqatana malaha bal...