Dhiganahan lagumagacaabo "THE COMPOUND EFFECT " waa mid kamid ah buugagta loogu iibsi badanyahay dunida waxaana qoray nin udhashay dalka mareykanka oo layirahdo DARREN HARDY. DARREN HARDY waa qoraa,hadal jeediye iyo waliba tababare nololeed waana madaxa jariirada caanka ah ee SUCCESS MAGAZINE,waxaa uu intabadan wareeysiyo layeeshaa dadyowga lagutiriyo iney guul kagaareen jawaanibta kaladuwan ee nolosha,buugan waxaa ladaabacay bishii june sanadii 2010 ,Wuxu gaaraya ilaa 170 bog Wuxuna kakobanyahay 6 Cutub.
Si guud wuxu tilmaamaya buuga saameynta balaaran ee ay leedahay waxyar oo aad joogteyso mudo dheer, intabadan waxyaabaha aynu si maalin la ah usameyno iyo caadoyinka aynu leenahay ayaa qaabeya nolosheena sida uu qoraagu xusayo isbiirsiga falalka yar yar ee aynu joogetyno ayaa ah waxa horseedo inuu qofku guuleysto ama guuldsreyso , ficiladaa maalinlaha intabadan bilawga hore lamadaremo waxeyna umuuqdaan kuwa aanan wax macna ah kufadhinin saameyn muuqatana malaha balse mudo kadib ayey soo ifbaxdaa natiijada filanwaaga ah. Tusaale lagu muujinyo saameynta Isbiirsiga ficilada yaryar
The magic penny:
Tusaale adiga iyo saaxibkaa aya la idinkala doorasiiyay 3million oo dollar iyo hal senti oo maalinwalba laba jibaarmayao mudo 31 maalmood ah ,tusaale waxad qadatay Sedexdii million saaxibkana halkii senti ee laba jibaarmayay ayu qatay,shan maalin kadib saaxibkaa.wuxu garay 16 senti adigana 3 million baad haysataa 10 maalin kadibna adiga waxad haysataa 3 million saaxibkaana $5.12 , labaatan cisho kadib saaxibkaa wuxu haystaa $5,243 adigana $3 million ,waxey maalmuhu isguraanba waxa lagaaray maalinta 29aad saaxibkaa wuxu haystaa $2.7 million adigana $3million hal maalin kadib maalinta 30 aad sxbka wuxu hayaa 5.3 million adigane 3 million ugu dambeyn waxaa lagaaray maalinti 31 aad adigu waxad wali haysataa 3dii million isagana 10,737,418.24 (toban million lacag kabadan),Tusaalahan wuxu si cad umuujinaya saameynta qarsoon ee joogtenta iyo awooda isbiirsiga.
Aragtiyada buugga
1 The ripple effect :
Tusaale hadii aad dhagaxyar kutuurtid meel ay biyo kujiraan waxa sameesmaya goobo yar oo wareeg ah oo marba marka kadambeysa sii balaaraneysa. Si lamid ah taas isugeeynta ficilada yaryar ee aynu joogteyno waxey lamidyihiin goobadaas marba marka xigta waxbaa kuu kordhaya balse intabadan lamadaremo xiliga hore waxaa suurtagal ah inadan ugu talagalin caadadaas tusaale qofbaa wuxu si joogta ah u isticmaala waxyaabaha macmacaan sida Shukulaatada Xiliyada ugu horeyo wax sameyn ah madareemo qofku balse mudo kadib markuu balaadho miisankiisuna kordho ayunbuu is arkaa isagoo jirkiisa isbadal kuyimid taasi macnahedu waxaa weye qofkan kumuusan talagalin inuu iscayiliyo balse caadadiisa joogtada ah ee marba marka kadambeysa kordheysay aya ukentay isbadalkan weyn Si taa lamid ah ficilkasta oo aynu uqabano Si joogta ah haba yaraade Isbadal muuqda ayu kukeni doona noloshaada.
2 Owning 100%:
Aragtidan wuxu kusharxayaa qoraagu muhiimada ay leedahay inu qofku masuuliyada naftiisa qaado 100%, intabadan dadka markii ay waxkudhacaan amaba fashal uu kuyimaado waxey utiiriyan cidkale halka lagarabay iney dusha uritaan natiijada kadhalata ficiladooda sidookale dadka qaarbaa aaminsan ineysan nasiib lahyn Oo talaabo kasta oo ay qaadi lahayen waxa kahortaagan aaminsananta ineysan wax nasiib ah ulahyn guushu dadka nuucan ah wuxu usheegaya qoraagu in nasiibku yahay kaliya marka uu diyaar garowgaadu ,dhaqankaagu Iyo Ficilkaagu lakulmo fursad ( preparation + attitude +opportunity plus action =Lucky ) sida uu qoraagu kuxusayo buugiisa "we are all self made men and women " waxeynu nahay waxeynu sameyno qofna masuul kama ahan heerka aad nolosha kataagantahay iyo halka aad u hanqaltaageyso kaliya dooqaaga aya ah waxa kuhagaya hadii aad 100% qaado masuliyadda naftaada iyo natiijada kadhalata ficiladaada waxad xaqiijisay inaad 100% leedahay waxwalba oo ad udooreyso noloshaada, farqiga udhaxeya qofka maalqabenka ah iyo kan faqriirka ah waa Kaladoorashada labadaa nolol.
3:Habits :
Aristotle wuxu leeyahay "we are what we repeatedly do " waxeynu nahay waxa aynu si joogta ah usameyno Qofwaliba wuxu leeyahay caadoyin iyo waxyaabo uu si joogta ah usameyo qoraagu wuxu leyahy hal caado oo yar oo aynu joogteyno ayaa mudo kadib noloshena dhinackale urogi karta, wuxu qoraagu xusayaa caadoyin dhowr ah oo uu joogteyay iney gundhig u ahaayen guusha uu maanta kunaalonayo John maxwell wuxu yiri "you will never change your life until you change something you do daily routine" mabadli kareysid noloshaada ilaa aadkabadasho waxa aad si maalinlaha usameyso waxa uuna bidhaaminayaa qoraagu qaacidadan YOU+CHOICE +BEHAVIOR +HABIT +COMPOUND =GOAL oo lamicna ah qofku si uu ugaaro yoolkiisa waxa lamahuran eh in uu layimado marka hore doorasho kadib waxad dooratay inaad dhaqan Iyo caado kadhigato kadibne joogteyso ilaa ay iska biirsadaan caadoyinkaas yaryar Abuurida caada wanagsan waxey lamidtahay adigoo beeray geed cusub,sida geedkasi uu kaagabahanyahy waraabin iyo daryeel ayey caadaduna kaagabahantahay ilaalin iyo joogteyn Ilaa ay kanoqoto qeyb noloshada kamid ah.
4:The pumb well :
Adkeeysiga iyo joogteyntu dadku wey kukaladuwan yihiin tusaale ceelka giriiga ah hadii aadbiya karabto waxad ubaahantahay inad ruxdo Birta moolada ah Sida caadiga ahna biyaha horay kamayimadan dadka qaar markey ruxaan xogaa wey iskadhaafan madama aysan biya ka iman ,kuwakale aya suga oo siiwada ruxida dabadeed waxa yimada xooga yar.oo biya ah kadib dadka qaar baa yiraahda waxan sugayay ma intan kaliyaa weyna iskagatagan oo ay kaniyad jabaan halka kuwakale ay sii joogteyan ruxida giriiga ugu dambeyn waxa yimaada biya tirabadan iyadoo ruxida birtuna ay fududaato kaliya ay kaagabahantahay joogteyn ,tani waa saameynta muuqata ee compound effectigu leeyahay joogteynta caadada wanagaasan dib ayey kasoobaxdaa kaliya cida udhabar adegtaa ayaa gurata miraha guusha
5:Influence :
waxyaabaha saameya hab nololeedka dadka wuxu uqeybinaya qoraagu ilaa 3 nuuc Nuuca kobaad:
DULUCDA BUUGGA
Macnaha guud ee buugan xambaarsanyahay laganadheehankaro wuxu yahay in qofkii raba in guul latabankaro kagaaro jawaanibta kaladuwan ee nolosha waxa lamahuran ah inuu maro dariiqa saxda ah ee guusha isagoo qaadanaya tabahan latijaabiyay ee kuxusan buugga kaliya waxaad ubaahantahy inad doorato caadoyin wanaagsan oo waafaqsan ahdaaftaada kadibna aad joogteyso kunadulnoolato mudo dheer kadib waxad arkidoonta saameynta mucjisada leh ee isbiirsigu leeyahy



Aad umahadsan tahy ustaad abuubakar sida quruxda badan aad inogu soo qulaseesay book gan.
ReplyDeleteMahadsanid sxb Abuubakar qormadaan qurux-da badan waan kaaga mahad-celineynaa.
ReplyDelete